Wiil Gabar Toorey Ku Dhaawacay Balan ka bax awgeed.
Wiil magaciisa lagu sheegay Xasan, kana mid ah dhalinyarada degan degmada Wadajir ee gobolka BAnaadir ayaa dhaawac xun gaarsiiyay gabar ay saaxiibo ahaayeen.
Xasan ayay wararku sheegayaan in uu Tooreey ku dhaawacay gabadha oo lagu magacaabo Leylo Cabdi, kadib markii uu aad uga caroodey balan ka bax ay ku sameysay, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Dad deegaanka ah ayaa Xasan gacanta ku soo dhigey, markii falkan dhaawaca ah uu geystey, kuwaasi oo ku soo xiray saldhiga degmada Wadajir oo iminka lagu hayo.
Leylo ayaa ku qeylineysay ereyo ay ku cataabeysay, iyadoo ku cel celineysay," Qasab miyaa, la heysto miyaan ahay, Haddii aan ku diidey ma ley dilaa".
Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ayay ka dhacaan falal noocan oo kale ah, iyadoo gabdhaha qaarkood ayaga oo aan diyaar u ahayn in ay balamaha fuliyaan, hadana sameynaya balan qaad.