Gabar lagu magacaabo Mulki Maxamed Xasan oo degen deegaanka Ceelasha biyha ee duleedka magaalada Muqdiho ayaa loo dhigey xaflad aroos aad u sareysa todobaadkii hore, kadibna loo guuriyay casir gaabkii xaafada labo dhagax, degmada Wardhiiglee ee gobolka BAnaadir.
Isla habeenimadii ayay dhacdey in madaafiic aan kala go' lahayn ku soo dhaceen
xaafadii loo soo guuriyay aroosada,
iyadoo sidii caadada ahayd dadka deegaanka markii madaafiicda ay bateen ku carareen guryo shub ah oo isla xaafada ku yaala, Mulkina dhinaceeda ayay ka carartey,
hase yeeshee Mulki oo iyana carareysa ayaa kuftey, kala jabtey lugta Midig.
Mulki ayaa loola cararay isbitaalka Deyniile ee magaalada Muqdisho,
iyadoo halkaasi habeenkii ugu horeysay ee aqal galkeeda ku qaadatay, iyadoo qoyskii cusbaa ee farxada ku jirey ku noqotay murugo.
Ma aha wax cusub, marka la joogo Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho in
haweeney loo keeno seygeeda oo meyd ah ama nin uu arko xaaskiisa oo meyd ah.









