Gob Abwaanimo
Salaamu calaykum marka hore,
marka xiga anigoo ah Yaxye Yeebaash,
GOB-ABWAANIMO waa gabay aan curiyay kadib markii dadka qaar igu
idhaaheen "abwanimada iyo waxan waa lagu waashaaye iskadaa" markaa
waxaan jeclaaday inaan suugaan ku cabiro uguna jawaa...bo
docda uu ka
daganyahay abwaanimadu bulshada iyo waliba aminta iyo goortuu
isticmaalo suugaantiiisa iyo muhiimada ay uu leedahay Abwaanka
suugaantiisa kaasoonu marnaba ka maarmi karayn haba yaraatee WAXAY KU
BILAABMAYSAA sida tan:
Gabay hadh beeloo, guntan oo haboonbaan
Goleheena maantiyo, madasha soo gundhigayaa
Gilgilashada naftaydaa, midhihiisa gaaxdoo
Gaf ugama jeediyo, in la’igu gartaaye
Waxaan uga golleeyahay, garab-gal uun dadkaagoo
Geedigiisa dhowriyo, wixii dhaxal galeenoo
Gunnimada qabiilkiyo, iskadaa gar daba keenka
Gaal iyo miciinkii, gaajada ka dooroo
Gurmadkiisa ba’an gubashada ka doooro
Gurxankiyo afkaagu, gafka hayska daayoo
Garaadkii nin weyniyo, yeelo gobnimo doone
Iga daaya gunuuskiyo gafkanaad igu haysaan
Macaankiisa gabay waa geesi hanashadiiye
Waa bartuu gam, ee gogashu taalaaye
Waa garta siduu u naqiyo, garaadkiiye
Waa gantaalkuu ridiyo, guluf la dirirkiiye
Waa gaashaankuu sitiyo, gufayskiiye
Waa habkuu ku guursadee, gaari ku helaaye
Haduu goblamo, waa geestuu jaleecaaye
Dareenkiisa gashiga, waa tuu ku gole dhiibtaaye
Gaatama iyo abaaraha, waa tuu gasiintaaye
Guubaabada hadalka, waa tabtuu u guntaaye
Gobanimada, waa habkuu ku gataaye
Waa tuu ku gaboobee, geeri ku sugaaye.
Garta abwaanimo, waa xeelad gun
dheere
Waa ninka gooya taladee, saadaashu garatee
Goonaha qabiilkiyo, aan galin badaayoo
Gidigiisba waayuhu, gadhka uu cadeeyoo
Hadal sida loo gorfeeyiyo, sida loo gunaanado
Ama loo gar-daadshee, marna loo gar-duubto
Ninka gooni erayada, gunta hoos u baadha
Bari iyo galbeedba laga yiqiin, guntinkiisiiye
Dadka waa u garsoor, iyo gadhwadeen weyne
Garabkiisa diiniyo waxaa ku gayfan, asluuboo
Gawriir buu ku noqdaa, inta danbi gudaysoo
Gob weeyi la yaqaan, gayigeena maanteee
Iga daaya gunuuskiyo gafkanaad igu haysaan









